Muqdisho-KNN-S/Gaas C/weli Jaamac Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya ayaa la kulmay Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen, Cusmaan Nuur Subagle iyo saraakiisha ugu sareysa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM Saraakiishaan ayaa ka wada hadlay Howlgalka ay ku dhawaaqday Xukumadda Soomaaliya kaas oo la sheegay in 21-ka Bishaan uu ka bilaaban doono Guud ahaan Dalka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha AMISOM ayaa isku afgartay Nuuca uu noqonayo Dagaalka ka bilaabanayo Dalka iyo meelaha Ugu horeeyo ee laga bilaabi doono iyadoo la sheegay in ay isku afgarteyn In dagaalka uu ka bilaaban doono Labada Gobal ee Shabeelooyinka.
“Kulankan muhiimka ah ee aynu halkan u fadhino ujeedkiisu waa in wadajir loogu diyaar garoobo dib u xoreynta goobaha dhiman ee Shabaabku joogo. Waxaan isla garanay AMISOM in Soomaaliya laga ciribtiro Al-shabaab.” Ayuu yiri Taliyaha Xoogga Jen. Gorod.
Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa shalay ku dhawaaqay dagaal loo dhan yahay Shacab iyo Ciidan oo ka bilaaban doono Soomaaliya kaas oo ka dhashay Caro ka dhalatay Bamkii Zoobe oo ay ku dhinteyn in ka badan 300 oo Ruux.


