Qarax xoggan oo ah mid ismiidaamin ah ayaa waxaa u hada ka dhacay magaallada Muqdisho gaar ahaan isbitaal baanadir.
Qaraxan oo ahaa mid laga soo buuxiyey gaari waxa ay wararku sheegayaan in taliyaha qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole lagu weeraray gaari uu la socday taliyaha oo halkaas maraayey.
Ilaa iyo hada ma cada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa balse waxaa jira dhimasho iyo dhaawaca, taliska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in uu ka badbaaday qaraxa taliye Farxaan Qaroole kaas lala beegsaday gaarigii uu saarnaa.
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobta gaaray sidoo kale ciidamada amaanka ayaa bilaabay baaritaano dheeraad ah iyaga oo sidoo kale xiray wadooyinka goobta uu qaraxa ka dhacay.


