Muqdisho-KNN-Warar ay idaacada kulmiye ka helayso degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed uu xilkii ka qaaday taliyihii Saldhiga Booliska degmada Kaaraan, iyadoona Taliye cusub loo magacaabay degmadaasi.
Taliye Canjeex oo horay u ahaa taliyaha saldhiga Booliska Degmada Kaaraan ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay Taliye Cabdi Sheekh Ciise Axmed Gacal.
Cabdi sheekh Ciise oo ka mid ah saraakiisha ciidamada booliska Soomaaliya.
Lama Sababta ka dambeysay in xilka laga qaado Taliyihii hore ee saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya.


