Somali News

Taliyaha Saldhigga Gaalkacyo oo ka badbaaday isku day dil

Gaalkacyo-KNN-Taliyaha Saldhigga magaalada Gaalkacyo Dhamme Cabdiqani Jaamac Axmed Xaabuun ayaa la soo werinayaa in uu ka badbaaday isku day dil, ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa.

Xilliga uu qaraxu dhacayay ayaa la sheegay in uu Taliyuhu ka maqnaa gaariga  oo yaallay afaafka hore ee guriga uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi , marka laga reebo gaariga Taliyaha oo uu soo gaaray burbur xooggan.

Waxaa goobta uu gaarigu ku qarxay gaaray laamaha amniga si ay u xaqiijiyaan amniga Taliyaha , mana jiraan ilaa iyo hadda cid loo soo qabtay arrintan.

Dhinaca kale  Taliye Cabdiqani Jaamac Axmed Xaabuun ayaa ka gaabsaday in uu warbaahinta kala hadlo arintan isku dayga dil ee uu ka badbaaday, balse saraakiil la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku raad joogaan cidda arintan ka dambaysay .

Si kastaba,maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Gaalkacyo waxaa ku soo badanayay Kooxo ku hubeysan tooreey,iyadoo xalay lagu dilay xaafadaha dhanka waqooyi isla gudaha magaalada mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha magaalada Gaalkacyo, lamana oga sababta ka dambaysa dilka macalinkaasi.