Somali News

Taliyaha sirdoonka Sudan oo lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo agaasimaha guud ee sirdoonka Sudan Gen. Salah Abdalla Mohamed Salah ayaa manta booqasha rasmi ah ku soo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Wafdigan ayaa magaalada moqdisho waxaa kusoo dhaweeyey agaasimaha nabadsugida Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xasan,waxaana agaasimaha hay’ada sirdoonka sudan uu tagay xarunta taliska nabadsugida soomaaliya ee la yiraahdo habar Khadiijo.

Warar kale oo KNN heshay ayaa sheegaya in wafdigan la rajeenayo in ay galabta la kulmaan madaxweynaha jamhuuriyadda fedaraalka ah ee Soomaaliya