Somali News

Taliyaha ugu sareeyo ciidamada Taiwan oo la xaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed.

Taliyaha ugu sareeyo ciidamada Taiwan ayaa laxaqiijiyay in uu ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga jasiiradaasi.

Sida ay xaqiijisay wasaarada gaashaandhiga General Shiin, iyo dhawr sargaal oo kale ayaa saarnaa diyaarada shil gashay oo nuuceedu ahaa helicopter.

Shiin, oo 62, sano jir ahaa ayaa ahaa taliyaha ugu sareeyo militariga Taiwan.

Taliyaha ciidamada cirka ee Taiwan ayaa dhankiisa xaqiijiyay in shan kamid dadkii saarnaa diyaarada ay bad baadeen halka sided kalana ay dhinteen.