Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee Waxaa magaalada Muqdisho Xalay ku Geeriyooday Taliyihii Ciidanka Taraafikada Soomaaliya Cali Maxamuud Cali oo mudooyinkaan ku xanuunsanayay G/Banaadir.
Marxuumka ayaa sanadihii dambe la daala-dhacayay Xanuuno soo wajahay waxaana mar xaalad caafimaad loogu qaaday dalka Hindiya.
Sdioo kale Marxuumka ayaa markii uu dalka dib ugu soo laabtay mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Soomaaliya.
Xildhibaano, Wasiiro iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay Aaska Marxuumka oo loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho.