Uncategorized

Taliyayaashii Madaxtooyada oo xilalkii laga qaaday.

Muqdisho-KNN-Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ayaa xaqiijinaya in xilkii laga qaaday Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa.

Saraakiil iyo Shaqaale ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyay in xilkii laga qaaday Gaashaanle sare Afcadeey oo taliyaha Ciidanka Madaxtooyada ee Koofiyo Gaduudda sidoo kalane xilkii laga qaaday Gaashaanle dhexe Cumar C/raxmaan oo ku xigeen u ahaa.

Dhinaca kale waxaa la magacaabay Taliyaha cusub ee Villa Somalia waxaana loo magacaabay Gaashaanle Odowaa yuusuf Raage iyo ku xigeen cusub.

Lama oga sababta arintaas ka dambeysa warar laga helay Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa KNN u sheegag in ciqaab adag la kulmiyaan saraakiishii iyo Ciidamadii Arbacadii ku milmay khilaafka Siyaasadeed ee Golaha shacabka Soomaaliya.