Somali News

Taliye Indha Qarshe oo amar duldhigay saraakiisha ciidanka xoogga.

Muqdisho-KNN-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo ka hadlay Tiro koobka lagu wado Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Ciidanka Difaaca, si loogu qorsheeyo Hub, Gaadiid,  qalab iyo dhaqaale ku filan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la kordhiyo Miisaaniyada ku baxda Ciidanka Xoogga dalka, si taasi loo hirgeliyana loo baahan yahay in la oggaado tirada saxda ah ee Ciidanka.

Waxa uu tilmaamay in Askari Xanuunsan Ama Tababar iyo fasax ku maqan maahee Askarta kale looga baahan yahay in ay Xaadir ku ahaadaan goobta Dawladda ay ku ogtahay, isaggoo xusay in Khalad ay tahay in fasax la’aan  laga maqnaadoTiro koobka Ciidanka lagu wado.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Amray Saraakiisha Ciidanka in ay fuliyaan amarada Taliska, islamarkaana ay dardar geliyaan Shaqada, si Askari walba Xaquuqdiiisa uu u helo.

Hadalka Taliye Indha Qarshe ayaa ku soo aadaya xilli maanta ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya ay ka soo baxeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelaha dhexe.