Somali News

Taliye Indha Qarshe oo markale ka hadlay cabashada Ciidanka.

Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa markale waxaa uu ka hadlay Ciidamaddii dhawaan kasoo baxay furumaha dagaalka ay kaga sugnaayeen gobolada Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe.

Taliye Indha Qarshe ayaa dhaliilay Ciidanka xoogga, waxaa uuna sheegay in aysan ciidanka u dulqaadan inta yar ee ay socoto diiwaangalinta, isagoona sheegay in arintaasi ay tahay mid ay aad ugu xunyihiin.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay fasaxayaan ciidamada hada wada gadoodka ku aadan mushaaraadka hadaysan ogalaanin systemka ay dooneyso dowladda.

Ciidamada ay dowadada dooneyso ayuu ku sheegay taliye indha-qarshe inay yihiin kuwa kooban oo la ogyahay waxyaabaha ay qabanayaan si mustaqbalka ciidamada loo dhiso intaa kaddibna xeryahooda loogu hagaajiyo.

Intaa waxaa uu ku daray hadalkiisa in laga doonayo ciidamada inay la yimaadaan xushmad iyo habdhaqan wanaagsan si ay u xasiliyaan dalkooda ayna u difaacaan shacabkooda iyaga oo dhanka kale ka fogaanaya waxyaabaha loogu yeero qabyaaladda.