Garowe-KNN-Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa maanta ku dhaawacay isrisaaseyn u dhaxeysay ilaaladiisa iyo ciidamo kale oo ka dhacday duleedka magaalada Garowe.
Lama oga waxa dhaliyay isrisaaseyntaasi u dhaxeysa labadaasi ciidan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay dhaawaca taliye ku xigeynka ciidamada Booliiska Puntland Bile Faarax Cali, kaas oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Garowe.
Mas`uuliyiinta gobolka iyo laamaha amaanka ee Puntland ayaa wali ka hadlin dhacdadaan maanta ka dhacday duleedka magaalada Garowe.