Somali News

Taliye ku xigeenka Ciidamada Cirka oo Shalay Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Taliye ku xigeenka Ciidamada Cirka ee Xoogga Soomaaliya oo maalmahaan ku xanuunsanaa Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Xoogga dalka.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabaa General Maxamed Aadan Samatar, waxayna walaalo yihiin Fanaanka ee Xasan Aadan Samatar oo katirsan Hobalada Qaranka ee Waabari.

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya sarreeye guuto Maxamuud Sheekh Cali (Dable Beylood) ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in marxuumka uu muddo dheer katirsanaa Saraakiisha Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qaybta saadka Ciidamada Difaaca waxa uuna hada ahaa Abbaan-duulaha Ciidamada Cirka ee Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in maanta aas loogu sameeyo magaalada Muqdisho waxaana aaskiisa ka qayb galaya mas’uuliyiin katirsan DF-ka Soomaaliya.