Somali News

Taliye Xijaar oo fariin la xiriirta amniga u diray taageerayaasha kooxaha G/Banaadir iyo Galmudug

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha kooxaha Galmudug iyo gobolka Banaadir ee barri ka qaybgalaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka dhaceyso garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Waxa uu dhallinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Gobolka Banaadir faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga, lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah cayaartu ku dhacdo.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale xusay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.

Kooxaha Galmudug iyo Banaadir ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay wada cayaaraan kulanka kama dambeysta ah ee tartanka dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ujeedkiisu yahay in looxiyo isdhexgalka bulshada.