Somali News

Taliye Xijaar oo kulamo ka bilaabay deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Wafdi uu hogaminayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya Genaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Wasiirdulaha Wasaraadda Maaliyadda Soomaliya Mudane Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa waxaa uu kulamo looga hadlayo amniga uu ka bilaabay deegaanka Carmo ee gobolka Bari.

Ujeedada ugu weyn ee wafdigaan ayaa ah socdaal  ay ku marayaan magaalooyinka Puntland si ay u soo qiimeyaan amniga  goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka, iyo sida ay shaqeeyaan ciidamada Booliska ee Puntland.

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu kulan uu la qaatay   Taliyaha qeybta booliska Gobolka Bari iyo saraakiil kale, kuwaasi oo ka wadahadlay amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo Dqaacish.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa waxaa uu ku dheeraday ka hadalka amniga guud ee gobalka Bari isagoona sheegay in amniga uu yahay mid wanagsan..

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo Axadii lasoo dhaafay  gaaray deegaanada  Puntland, ayaa booqanaya  goobaha doorashooyinka xildhibaanada federaalku ka dhacayaan sida Garoowe iyo Boosaaso.