Somali News

Taliyeyaal iyo askar loo xiray weerarkii xalay lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in saraakiil iyo askar ka tirsan booliska loo xiray weerarkii xalay lagu dilay Guddoomiyihii degmada Hodan C/xakiin Dhagajuun, kaddib markii gaari uu saarnaa guddoomiyaha ay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan Booliska soomaaliya, kuwaasi oo ku sugnaa isgoyska jid Mareexaanka ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Degmooyinka Howlwadaag, Waaberi iyo askartii ku sugneed kontoroolka uu weerarka ka dhacay.

Sidoo kale booliska Soomaaliya ayaa wada baaritaan la xiriira falkii ka dilay guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhagajuun.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa soo saaray amar deg-deg ah oo la xiriira in baaritaan dhab ah lagu sameeyo shaqaaqadaasi, iyadoo guddi ka kooban todobo xubnood loo saaray aaska marxuumka.

Weerarka lagu dilay guddoomiyihii degmada Hodan ayaa ku soo aadaya, kadib markii shalay uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, maadaama arrimo caafimaad ugu maqnaa dalkaTurkiga oo loo geeyey dhaawac ka soo gaaray qarax miino oo lagula eegtay magaalada Muqdisho