Muqdisho-KNN-Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.
Socdaalka Taliyeyaasha ayaa ku soo aadaya kadib markii maalmo ka hor magaalada Dhuusa Mareeb ay heshiis ku gaareen Dowladda Dhexe iyo Maamulka Ahluna ee ku biiray Maamulka Galmudug.
Taliyayaasha maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa kala ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Daahir Aadan Cilmi (indha qarshe), Taliyaha ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida maanta lagu in Magaalada Dhuusamareeb ay kula wareegaan Ciidamada Ahlu Sunna iyo mas’uuliyadda amniga Magaaladaasi.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa hada waxaa ku sugan R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, xili maalmihii ugu dambeeyay uu kulamo ka waday Magaaladaasi, kaasi oo ku aadan in xal waara laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda Maamulka Galmudug.