Somali News

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Saraakiisha Ahlusuna oo kulan ku yeeshay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Kulan ay Magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka qalabka sida iyo mas’uuliyiinta Ahlu Sunna Wal Jamaaca, ayaa looga hadlay sidii loo Qarameyn lahaa Ciidanka Alhu Sunna.

Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha ku kulmay Magaalada Dhuusamaeeb ayaa hoosta ka wada xarriiqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo diiwaan geliyo Ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Waxaa haatan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu diiwaan gelinayo Ciidanka Alhu Sunna.

Taliyaasha Ciidanka qalabka sida oo guda galay dhaqan gelinta amarkii Ra’iisul Wasaare, Xasan Cali Khayre ee ahaa in la Qarameeyo Ahlu sunna, laamaha ammaankana Dhuusamareeb laga howl geliyo ayaa qorshuhu yahay in sida ugu dhaqsaha badan ay uga gun gaaraan, si loogu diyaar garoobo xoreynta degaannada ay haraadiga Al-Shabaab uga suganyihiin Galmudug.