Somali News

Taliyeyaasha Ciidanka oo yeeshay kulan looga hadlay amniga

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya S/guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta ka shiray amniga guud ee dalka iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka Al-shabaab.

Kulanka si guud waxaa looga hadlay difaaca dalka iyo in meel looga soo wada jeesto cid kasta oo dhibaata ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Shirkaan muhiimka ah ayaa ka dhacay Taliska Boliiska Soomaaliya, waxaa lagu lafa-guray sidii looga wada shaqeyn lahaa Difaaca dalka iyo guud ahaan amniga Caasimadda.