Gaalkacyo-KNN-Allaha u naxriistee waxaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku geeriyooday Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble, kadib markii uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.
Xiliga uu qarxay gaariga uu watay Taliyuhu ayaa la sheegay in uu marayey Jidka 30-ka ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, waxaana dhaawiciisa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Allaha u naxriistii Taliyihii Booliska Degmada Gaalkacyo Col. Cawil Nuur Rooble ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa saakay waxaa ay Baaritaano ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.