Somali News

Taliyihii CID-da iyo Xildhibaan hore oo lagu xiray Garowe

Garowe-KNN-Ciidamada amniga maamulka Puntland ayaa xabsi kuyaala magaalada Garowe waxa ay ku xireen Taliyihii hey’adda Dambi baarista Booliska CID-da ee Gobolka Nugaal Col. Abshir Cusmaan Cali.

Xariga taliyahaas ayaa la sheegay in uu amray Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani, waxuuna xarigiisu salka ku hayaa kiiskii marxuum Caa’isha Ilyaas.

Madaxweyne Dani ayaa la sheegay in uu ka carooday,  hadal ay taliye Abshir ay ka soo xigteen qareennadii u doodaya rag ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka iskugu jiray ee Caa’isha Ilyaas, waxaana uu madaxweynuhu maanta amar ku bixiyay in taliyaha loo dhaadhiciyo xabsiga weyn ee magaalada Garowe halkaasi oo uu hada ku xiranyahay.

Dhinaca kale warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in isla maanta Garowe lagu xiray  Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii hore ee Puntland oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Jaceel,

Xildhibaan Jaceel ayaa la sheegay in maanta duhuradii bartamaha magaalada Garowe ay ka qabteen Askar ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo la sheegay in ay xarigiisa u wateen waaran Maxkamadeed, walina lamasoo bandhigin eedaha loo heysto masuulkaas katirsanaa Baarlamaankii hore ee Puntland.