Somali News

Taliyihii Ciidamada isku dhafka ee gobalka Mudug oo u geeriyooday dhaawac loo geystay

Gaalkacyo-KNN-Taliyihii howlgalada Ciidamada isku dhafka ee magaalada Gaalkacyo ayaa u geeriyooday dhaawac ay xalay u geysteen kooxo hubeysan.

Khaliif Nuur Shiil ayaa dabley hubeysan waxa ay weerar ku qaadeen isga oo ka soobaxay Masjid kuyaala magaalada Gaalkacyo oo Salaadii taraawiixda uu ku tukaday.

Seddax Nin ayaa la sheegay in ay taliyaha ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa waxaana dhaawac daran looga qaaday goobta, isagoo markii danbe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo, isada ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka magalada Gaalkacyo.