Somali News

Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya oo sheegay in weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe uu ahaa mid la sii qorsheeyay

Muqdisho-KNN-Taliyihii hore ee Ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka hadlayey  weerarkii maxabiis Al-Shabaab ah ay ka fuliyeen  gudaha xarunta xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa weerarkaasi mid la sii qorsheeyay.

Waxa uu sheegay in xogo uu helay uu ku ogaaday in maxaabiista weerarka gaystay ay adeegsadeen, biskoolado iyo bambaanooyin loo sii diyaariyay maalmo ka hor.

General Tuuryare ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamada Asluubta Soomaaliya, ee u xilsaaran ilaalinta Xabsiga ay yihiin kuwo aan ku filneyn, Shabaabka ku xeraysan gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Hoos Ka Dhageyso