Somali News

Taliyihii militaryga Ethiopia oo lagu dilay degenaanasho la’aan ka jorta dalkaas

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay taliyihii military ga Dalka la dilay xilli ay degenaanaho la’aan kasoo cusboonaatay Gobolka amxaaradda Itoobiya.

Isagoo ku la bisan dharka ciidanka ayaa Abiy Axmed waxaa uu sheegay in Saraakiil dhowr ah la dilay kadib weerar ka dhacay caasimadda Gobolka amxaaradsa ee Baaxir Daar.

Dowladda ayaa kol hore sheegtay in isku day afgambi laga sameeyay dalka Gobolka amxaaradda.

Warar kale ayaa sheegaya in Internet kii dalka oo dhan la jaray. Dadka degan magaaladsa Baaxir Daar ayaa sheegay in ay maqleen rasaas culus.

Abiy Axmed waxaa uu sheegay in Taliyihii Ciidamadda General Seare Mekonmen ay weerareen koox wax ma garato ah. Ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan xaaladda gobolka.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in lasoo qabanayo kuwo afgambi isku dayay.