Somali News

Taliyihii Xabsiga dhexe ee Xamar oo shaqo joojin lagu sameeyay

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar G/sare Aadan Xuseen Kulmiye,isaga oo si kumeel gaar ah taliye ugu Magacaabay Xasbiga dhexe.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Cabdi Qani Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Shaqa joojinta ay timid, ka dib dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday xabsiga oo aheyd dagaal dhex-maray Ciidamada ilaalada iyo qaar kamid ah Maxaabiista oo la sheegay in uu hub gacanta u galay.

Waxaa uu sheegay General Mahad Cabdiraxmaan Aadan waxaa uu sheegay in ay socdaan baaritaanno la xariira dhacdadii qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga dhexe ay ku heleen hub, kadibna ay toogasho ku billaabeen ciidankii ilaalada ka hayay xabisiga.

Sarreeyo guuto Daahir Cabdulle Raage ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay in uu noqdo taliyaha xabsiga dhexe, waxaana Taliyaha ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan sheegay in shaqa ka joojinta lagu sameeyay Taliyahii Xabsiga dhexe ay la xariirto falkii lagu dilay qaar ka mid ah ilaalada xabsiga dhexe, dhacdadaas oo ay fuliyeen maxaabiis ku xirneed Xabsiga dhexe.