Somali News

Taliyihii Xabsiga Dhexe oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacabay

Muqdisho-KNN-G/Sare Aadan Xuseen Kulmiye ayaa loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana xilkii laga qaaday taliyihii Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile.

Taliye Xirsiile ayaa horay shaqa joojin loogu sameeyey iyadoo maalin ka hor loo fasaxay inuu dib ugu laabto shaqadiisa, kadib markii xabsiga dhexe ay ka baxsadeen ilaa seddax nin oo Shabaab-nimo ku eedeysnaa, kuwaas oo la sheegay in qaarkood dib laga qabtay.

Sidoo kale Taliye Xirsiile ayaa horay loogu eedeeyey inuu isbitaal si xoog ah uga soo saaray nin maxbuus ahaa, kaas oo markii danbe ku geeriyooday isbitaal lagu daweeyo maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar.

Xil ka qaadista taliyahaas ayaa timid kadib markii uu Taliyaha Asluubta Gen. Cabdiraxmaan Aadan uu dib ugu celiyey shaqadiisa, taas oo muran badani ka dhashay sababtayna in ugu danbeyn xilka laga qaado taliyaha.