Somali News

Taliyaha Booliiska iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan yeeshay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Lamada mas’uul ayaa ka wada hadlay dhammaystirka iyo xoojinta amniga doorashooyinka dalka oo mareysa Heer Gabo gabo ah.

Taliyaha ayaa la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ku saabsan guud ahaan geeddi-socodkii amniga doorashooyinka iyo sida loo sugayo amniga inta dhiman doorashooyinka dalka, oo maraya heer gabagabo ah.

Kulanka ayaana ku soo aadeysa, xili ay fooda nagu soo hayso Doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in Arbacada ay ka arrinsadaan Golaha Shacabka ee BS.