Somali News

Talyaha cusub ee Booliiska Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Taliya Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaacabay Taliyaha Cusub qaybta Guud ee Gobolka Banadir, Magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Mumin.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Talyaha Ciidamada Booliiska ayaa waxaa lagu yiri “Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay G/le Sare Mahdi Cumar Muumin”.

Talyaha cusub ayaa badalaya Farxaan Qaroole oo laba toddobaad ka hor lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Dhexe