Somali News

Talyeyaasha Ciidamada oo yeeshay kulan looga hadlay Amniga dalka

Taliyeyaasha Ciidamada Booliiska, Militeriga, Nabad sugida iyo Asluubta ayaa maanta isugu yimid looga hadlayay xaaladaha Amni ee ugu dambeeyay dalka.

Kulanka oo ka dhacay wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan dhacdooyinkii dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in ciidamadda qalabka sida aysan ku milmin arrimaha siyaasadda kana madax bannaanadaan.

Wasiirada Gaashaandhiga iyo Amniga Xukumadda ayaan kulanka ka qeyb galin, mana cadda sababaha ay uga baaqdeen.

Sawirro