Somali News

Tanzania oo diyaarado dheeraad ah u direysa daminta dabka ka kacay buurta ugu dheer Afrika

Muqdisho-KNN-Dawladda Tanzania ayaa sheegtay in helikobtarro iyo diyaarado dheeraad ah loo dirayo si ay u damiyaan dabka ka kacay Buurta Kilimanjaro, dabkaas oo muddo shan maalin ah ka holcayay halkaas.

Dab-damiyeyaasha iyo dad mutadawiciin ah ayaa la daalaa dhacaya daminta dabkas, sida uu sheegay Wasiirka Dalxiiska dalkaas Hamisi Kigwangalla, iyadoo aan weli lagu guuleysan damintiisa.

Dadaallada lagu daminayo dabka waxaa caqabad ku noqday dabeylo xooggan iyo caws qallalan oo sii hurinaya dabka.

In ka badan 500 oo qof oo mutadawiciin ah ayaa isku dayaya daminta dabka ka kacay buurtaasi.

Inkastoo aan la ogeyn waxa sababay dabka, waaxda beeraha lagu nasto ee dalkaas ayaa sheegtay in loo maleynayo in dabka ay sababeen dad wax ku karsanayay meel lagu nasto oo buurta ka tirsan.