Somali News

Tanzania oo hey’adda caafimaadka Aduunka u diiday war ku saabsan xanuunka Ebola.

Muqdisho-KNN-Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in Dowladda Tanzania ay u diiday in ay la wadaagto xog faah-faahsan oo ku saabsan xanuunka Ebola.

War ay hey’ddu soo saartay ayey sheegtay in ay dhow kol oo is xig-xigay Tanzania u dirtay codsiyo ku saabsan “tariikhda, xogta caafimaadka, natiijaddii baaritaanka, xiriiradda la heli karo iyo tijaabooyinka shaybaar ee la sameeyay, balse aan WHO lala soo xiriirin”.

“Xogta rasmiga ah ee ay Tanzania naga xadiday waxaa ay ka dhigantahay caqabad” ayey Hey’addu ku sheegtay Warkeeda.

Ma jiro war ilaa iyo hadda kasoo baxay Dowladda Tanzania oo ku saabsan cabashadda Hey’adda Caafimaadka Aduunka.

Warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganaysa ilo caafimaad ayaa baahisay in uu jiro kiis lala xiriirinayo xanuunka Ebola oo lala tacaaalayo.

Hey’adda Caafimaaadka Aduunka ayaa Dalka Jamhuuriyadda Demoqaraadiga ah ee Congo waxaa ay ka caawineeysa wax ka qabashadda xanuunka safmareenka ah ee Ebola waxayna tababaro siineeysaa Wadamadda deriska ah ee laga baqayo in uu xanuunku ku faafo.