Muqdisho-KNN-Cilmi baaraayaal u dhashay dalka Japan ayaa tareen dalkaas ka shaqeeya ku rakibay dhawaaqa eeyahay si looga hortago shilalka tareenada iyo deerada ku nool dhulka miyiga ah ee uu tareenka sii maro.
Ujeedka ayaa waxa uu yahay in la cabsi galiyo deerada iyo noolaha kale ee ku nool dhulka miyiga ah, kuwaas oo soo gala xadiidka tareenka, halkaasna uu ka dhasho shil.
Saraakiil ka tirsan machadka cilmi baarista tareenada dalka Japan ayaa sheegay in shanqartaas oo tareenka laga shido muddo 20 ilmiriqsi ah in ay ku filantahay in ay kala eriso deerada aagga joogta.
Haddii tijaabadan lagu guuleysto, waxaa la qorsheynayaa in mustaqbalka la hirgaliyo qorshe sameecado loogu rakibayo goobaha ay deerada u badantahay habeenkii ee xadiidka tareenka agtiisa ah si looga fogeeyo tareenka, loogana hortago wixii shil ah ee dhici lahaa.
Deeraha ayaa timaada qadka tareenka, maadaamaa ay jecelyihiin maadada birta ah oo ay leefsadaan.
Qorshe horey saalada libaaxa loogu daadiday qadka tareenka si loo bajiyo deerada ayaa la’iska dhaafay kadib markii roobabka joogtada ah ee da’a ay markiiba dhaqaan saalada.
Wasaaradda gaadiidka Japan waxa ay sheegtay in sanadkii 2016-kii oo kaliya ay tareenada jiireen 613 oo deero iyo xayawaan kale ah, iyada oo shil kasta uu dhaliyo 30 daqiiqo oo dib u dhac ah.
Xigasho:-BBC Soomaalia