Somali News

Tarsan: Madaxweyne fartii sano waa kuu dhamaatay ee adigoo karaamo leh meesha ka tag

Muqdisho-KNN-Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa iska soo duubay fariin uu talo iyo tusaalooyin ugu soo jeediyey dhinacyo uu ugu horeeyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, sidoo kale mucaaradka, baarlamaanka iyo ciidanka Qaranka ayuu fariintaan kula hadlay Danjire Tarsan.

“Madaxweyne, waxaan ku leeyahay afartii sano waa dhamaatay, adigoo karaamo leh xilka ka tag, waqti baa haysataa, adigoo sharaf leh ka tag meeshaan, waxaan kaa rajeynayaa beri markaad baarlamaanka hor-tagtio inaad iska dhiibto xilka, oo tiraahdo Soomaaliyeed waa soo shaqeeyay, waxaan rabay wadanka inaan dhiso, aragtideedaan lahaa, laakiin dad baa i diiday, sidaas ayaana ugu tegay xilka,” ayuu tarsan kula taliyey Farmaajo.

Sidoo kale Danjire Tarsan ayaa mucaaradka ku eedeeyay in aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed u tureyn oo kaliya ay eeganayaan tooda gaarka ah, isagoo ku celceliyey in dalal shisheeye oo cadaw ku ah soo kabashada Soomaaliya ay gadaal ka riixayaan xasilooni darrada ay wadaan xubnaha mucaaradka ah, isagoo ka codsaday mucaaradka inay u turaan dadka iyo dowladnimada taagta daran ee Soomaaliya.

Sidoo kale Danjire Tarsan waxa uu ciidanka Qaranka ka dalbaday inay heybadooda iyo sharafta qarankooda dhowraan, waxa uu tusaalooyin  ugu soo qaatay sidii ay u ekaan jireen intii dalkeennu ku jiray burburka, isagoo tilmaamay in maanta ay joogaan meel aad u qurux badan oo xuquuqdooda ay joogto uga helaan dowladooda.