Somali News Sports

Tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir oo maanta ka furmayo Muqdisho

Muqdisho-KNN-Tartankan oo sannadle ah ayaa lagu wadaa inuu maanta ka biloowdo garoonka Eng Yariisoow ee degmada Cabdicasiis, waxaana ka qeyb gali doonno 17 degmo ee gobalka Banaadir.
Degmada koobka difaacaneyso ee Waberi ayaa lagu furi doonnaa waxana ay la cayaari doonta dhiggeeda Xamarweyne, taageeroyaal badan ayaa lagu wadaa inay daawadaan ciyaartan adag.
“Sannadkan waxaa tartanka ku cusub Horyaalka Banaadir oo aan u qabbaneyno siddeeda koox ee soo gaarta wareegga siddeed dhammaadka ee tartanka kubadda cagta degmooyinka gobalka Banaadir.” Sidaasi waxaa ku waramay guddoomiyaha guddiga cayaaraha ee gobalka Banaadir Xasan Aadan Yabarroow Wiish.
Sannadihii dambe waxaa tartankan ku guulleysanay degmada Waberi, baratanka sannadkan ayaa la sugi doonaa degmada ku guulleysato.