Somali News

Tartanka loogu jiro Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo biloowday

Muqdisho-KNN-Tartanka loogu jiro hoggaanka xiga ee xisbiga conservative-ka ayaa billowday, kadib markii ay Theresa May sheegtay in ay ka degeeyso xilka ra’iisul wasaarenimo bisha soo socota.

Xog-hayaha Caafimaadka Matt Hancock ayaa noqday kii Shanaad eek u biiray tartanka. Waxaa uu u sheegay BBC-da in kabixitaanka midowga Europe uu yahay yool xasaasi ah, Theresa May-na looga baahnaa in ay daaca ka ahaato sinaanta labada dhinac si loo hesho heshiis uu baarlamaanku ogolaado.

Taranka hogaanka loogu jiro waxaa uu go’aamin doona cida noqoneeysa Ra’iisul Wasaaraha xiga ee Britain.

Dabayaaqadda Bisha July ayaa la rijeeynayaa in xisbiga Conservative-ku uu doorto hogaankiisa kaasi oo noqonaya Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Ra’iisul wasaare May ayaa jimcihii ku dhawaaqday in ay iska casili doonto hogaanka xisbiga 7-da Bisha soo socota ee June, laakiinse ay Ra’iisul wasaarenimadda sii heeyn doonto inta tartanka hogaanku ka dhacayo.

Shan musharax ayaa ilaa iyo hadda xaqiijiyay in ay tartamaan waxayna kala yihiin.

Xog-haya haha arrimaha Dibadda Jeremy Hunt

Xog-hayaha horumarinta caalamiga ah Rory Stewart

Xog-hayaha caafimaadka Matt Hancock

Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Boris Johnson

Wasiirkii hore ee Shaqadda iyo howl-gabka Esther McVey.