Muqdisho-KNN-Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho tartanka orodka gaaban ee (Marathon ) kaasi oo lagu xusay maalinta horumarinta ciyaaraha iyo nabadda aduunka iyo maalinta ciyaartooday Soomaalliyeed.
Tarnkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana marti gelinayay Gobolka Banaadir.
Ciyaartooy laga soo kala xulay 17 degmo ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalayay tartanka orodka gaaban ee Marathonka, iyadoona si wadajir ay u daahfureen Tartanka wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng; C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in Maanta ay farxad weyn u tahay in tartanka uu ka dhaco Muqdisho, wuxuuna bogaadiyay doorkii lixaadka lahaa ee ay wasaaradda Sportiga ka qaadatay hir gelinta tartankan.
Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankaan uu qeyb ka yahay xuska maalinta Horumarinta Nabadda aduunka oo inta badan lagu maamuuso tartanada gaaban ee Marathonka, waxa ayna sheegtay in ay muhiim gaar ah u leedahay nabadda iyo dhiiragelinta Ciyaaraha Soomaaliya.
Halkan Ka dhageyso Warbixintan warkan:-




