Somali News

Thailand oo soo saartay amar deg deg ah oo lagu joojinayo dibad baxyada ka soconaya wadankaasi.

Dalka Thalinka ayaa laga soo saaray dikreeto deg deg ah oo lagu mamnuucayo dibad baxyada nabdoon, oo ay kooxaha u ololeeyo dimoqoraadiyada uga soo hor jeedaan boqortooyada wadankaasi.

Tv’ga qaranka ayaa looga dhawaaqay in dikreetada cusub ay dowladdu doonayso in in ay ku xakameeso dibad baxyada sidoo kalana lagu soo celiyo nabadii iyo kala dambeentii.

Illaa iyo haatan in kabadan 20 ruux ayaa loo xiray dibad baxyada kuwaas oo ay qayb ka yihiin hogaamiyaashii soo abaabulay.

Dadka dibad baxyada hor boodayada waxaa qayb ka ah, ardayda wadankaasi oo dalbanaya in uu is casilo Ra’iisu Wasaaraha Thailand oo awooda dalkaasi lawareegay sanadku markuu ahaa 2014.