Sports

Thibaut Courtois oo iska diiday tababarka kooxdiis Chelsea

Muqdiaho-KNN-Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa iska diiday inuu ka soo muuqdo garoonka tababarka kooxda.

Courtois ayaa loobadinayaa inuu u dhaqaaqo Real Madrid xagaagan, laakiin goolhayaha ayaa la filayaa inuu bilowdo jadwalka kooxdiisa bilowgiisa todobaadkan ka dib markii uu matalay xulka Belgium koobkii aduunka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Telegraph, 26 jirkaan ayaan ku soo muuqan xirada tababarka.

Courtois ayaa sheegay inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Madrid si uu ugu dhawaado qoyskiisa, halka wakiilka ciyaaryahanka uu soo jeediyay in la iska fasaxo xidigan

Tababaraha kooxda Maurizio Sarri ayaa isha ku haya inuu wadahadalo la yeesho Courtois, inkastoo lagu soo waramayo inuu wadahadal la galay kooxda Madrid xidigan.

Chelsea ayaa ka hor imaaneysa iibinta Courtois hadii aysan helin bedelkiisa, lakiin kooxda ka dhisan Premier League ayaa lagu soo waramayaa inay diirada u saaran tahay inay u dhaqaaqdo goolhayaha Stoke City Jack Butland.