Laas-caanood-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada laas Caanood ee Gobalka Sool ayaa Sheegaya in xiisad dagaal weli laga dareemayo deegaanka dhumey iyo deegaano kale ,kadib markii labo ruux la dilay,iyadoona sidoo kale la dhaawacay labo kale,taasi ayaa keentay inuu sii kordho khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed ka dhacay degaanka Dhumey.
Tirada dadka ku dhintay dagaalka u dhexeeya labada beelood ee wada dega deegaanka dhumey ,ayaa waxa lagu sheegay in ay gaarayso labaatan qof , halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.
Masuuliyiinta Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa ay waxgaradka ugu baaqeen in ay damiyaan colaada ka taagan degaanka dhumey oo hoostaga Magaalada Laas Caanood ee gobalka Sool.
Wararka qaar ayaa Sheegaya in degaanka Dhumey ay dilal la xiriir Aanooyin qabiil ay ka dhacayaan deegaankaasi,iyadoona ay xusid mudan tahay in ciidamo ka tirsan Soomaaliland la geeyay gudaha deegaanka Dhumey iyo degaanada kale oo hoostaga Magaalada Laas Caanood ee Gobalka Sool


