Somali News

Tirada dadka ku dhintay dagaal wali ka socda Sh.Dhexe.

Cadale-KNN-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Gobalka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu  dagaal xoogan uu ku dhexmaray  laba Maleeshiyo beeleed, kaasi  oo haatan ka socda tuulooyin hoosaga degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa saakay markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere,waxaa uuna ku sii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale,iyadoona la isku adeegsanayo hubka nooyadiisa kala duwan.

Inta la ogyahay  10 ruux ayaa ku geeriyootay  , halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, kadib markii labo maleeshiyo ay ku dagaalameen deegaan u dhow degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha dhexe.