Uncategorized

Tirada dadkii ku dhintay dhul-gariirkii Mexico oo korortay

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha waddanka Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa ku dhawaaqay maalin baroordiiq qaran ah kaddib markii dhul gariir xooggan oo dalkaasi Khamiistii ku dhuftay uu dilay in ka badan 60 qof.

Waxa uu madaxweynuhu booqanayay magaalada Juchitan, ee gobolka Oaxaca, halkaas oo inta badan dadka dhintay laga soo saaray burburka hoostiisa.

Mr Nieto ayaa sheegay in calanka hoos loo dhigi doono iyaddoo middaasna lagu xusayo dadka dhintay iyo kuwa murugoonayaba.

Saddexda gobol ee ugu saboolsan Mexico ee kala ah Oaxaca, Chiapas iyo Tabasco, ayey soo gaartay dhibaatada ugu badan, iyadoo boqollaal guri ay halkaasi ku dumeen.

Ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ayaa halkaasi la geeyay si ay gacan uga gaystaan baadi goobka iyo samatabixinta dadka ku hoos jira dhismooyinka burburay.