Somali News

Tirada dadkii ku dhintay qaraxii weynaa ee Beirut ka dhacay oo korortay

Beirut-KNN-Duqa magaalada caasimadda u ah dalka Lebanon ee Beirut Marwaan Cabuud ayaa sheegay inay korortay tirada dadka ku geeriyooday qaraxii weynaa ee Talaadadii hore ka dhacay dekedda magaaladaas.

Marwaan waxaa uu sheegay in tirada ay hadda diiwaan geliyeen ay gaarayso 200-qof, kadib markii la helay meydad hor leh.

Duqa Beirut Marwaan Cabuud waxaa uu sheegay inay hadda u gudbeen wajiga labaad hawlgalka samata bixinta iyo baadigoobka dadka la la’yahay oo uu sheegay inay ajaanib u badan yihiin.

Qaramada Midoobey ayaa horay uga digtay dhibaato bini’aadanimo haddii aan deg deg loogu gurman dalka Lebanon, kadib qaraxii todobaadkii hore ka dhacay magaalada caasimadda ah.

Kulan uu qaban qaabiyay madaxweynaha Faransiiska oo ay ka qeyb galeen deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa dalka Lebanon loogu deeqay lacag gaaraysa 297 million oo dollar.