Somali News

Tirada dadkii ku dhintay weerarka Nairobi oo kordhay.

Muqdisho-KNN-War ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa waxaa ay ku sheegtay  in ay kordheen dadka ku dhintay Weerarkii dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka  DusitD2 oo ku yaalla Galbeed Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Shir jaraa’id uu xalay magaalada Nairobi ku Qabtay Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa shaaca ka qaaday in tirade dhimashada  ay gaareyso 21 qof oo uu ku jiro Askari Boolis ah oo ka tirsanaa Ciidankii loogu tala galay xaqiijinta  Ammaanka ee goobta uu weerarka Shabaab ka fuliyeen.

Sidoo kale taliyaha ayaa Waxaa uu sheegay Ilaa iyo hada  la la’yahay 19 qof, islamarkaana ay wali baaritaano wadaan.

Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa horay u sheegtay in weerarkii Talaadadii ay ku dhinteen 24 Qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo isna shir jaraa’id shalay ku qabtay Nairobi ayaa sheegay in 700 Qof laga soo badbaadiyay Hotelka, 14 kalena ay ku dhinteen.