Somali News

Tirada Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo oo Korortay.

Muqdisho-KNN-Sida ay sheegayaan wararka inagasoo gaaraya magaalada baydhabo ee gobolka baay tirada dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay shalay baydhabo ayaa lagusoo waramayaa in tiradoodu ay sii korortay.


Inta la xaqiijiyay tirada dadku dhintay qaraxa 22 qof halka dhaawacuna uu uu ka badan yahay 36 qof sida uu sheegay guddomiyaha gobolka baay cali wardheere dooyow oo la hadlay Voa-da.

Warar ka badax banaan madaxda koonfur galbeed oo ay heshay Knn ayaa sheegaya in tirada dhaawaca ay ka badan tahay 50 qof

Dhinaca kale madaxweynaha Maamulka K/galbeed soomaaliya mudand shariif xasan sheekh aadan ayaa ka tacsiyadeye labadii qarax ee ka dhacay baydhabo

Shalay galinkii dambe baydhabo waxaa ka dhacay labado qarax kuwaasi oo ahaa qaraxyo ay isku soo xireen labo qof oo naftood halig yaal ahaa islamarkaasina khasaaro badan dhaliyay