Somali News

Tirada dadla laga helay xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay

Waaxda tirakoobka qaranka ee waddanka Ingiriiska ayaa xog uruurin ay sameeyen ku sheegay in tirada dadka uu ku dhacay xanuunka COVID-19 ay kor u kacday ilaa iyo saddex meelood laba meel.

100’000 oo qof ayaa xanuunka laga helay ilaa 29-kii bishii May, iyadoo todobaadkii ka horeeyeyna tirada dadka laga helay ay aheyd 60’000 oo qof, waxaana badi dadkan laga helay nuuca ka mid ah xanuunka kaa oo la sheegay in uu ka yimid India, sidaana uu Ingiriiska ku soo gaaray.

Cudurkan ayaana saameyn xooggan ku yeeshay caalamka oo dhan iyadoona wadamada intooda badan ay ilaa hada saaran tahay bandow kaas oo looga hortagayo faafitaanka Covid 19