
Dowladda Koonfur Afrika ayaa Arbacadii dalbatay 25,000 oo askari oo lagu
xakameeyo rabshadaha ka socda dalkaas oo galay maalintii toddobaad, xilli ay
jiraan cabsiyo la xiriira cunno iyo biyo yari.
72 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo kalena waa la xiray, tan iyo
markii ay rabshadaha billowdeen kadib markii madaxweynihii hore ee dalkaas
Jacob Zuma ay billaabatay 15 bilood oo xabsi ah, taasi oo dhalisay dibad-baxyo
isku rogay rabshado.
Bililiqo xooggan ayaa saameeyey badeecadihii iyo qadadkii gaadiidka ee
gobolka koonfurta bari ee KwaZulu, taasi oo kadibna saameysay dalka oo dhan.
Dowladda ayaa sheegtay in 208 dhacdo oo bililiqo iyo burburin la
diiwaan-geliyey Arbacadii, ayada oo ciidamada ay daad-gureysay dowladda ay
gaareen 5,000.
Hase yeeshee wasiirka gaashaandhigga Nosiviwe Mapisa-Nqakula ayaa goor dambe
baarlamanka u sheegtay “inay gudbisay codsi ay ku dooneyso 25,000 oo askari oo
kale.” Daad-gureynta ciidamada ayaa waxaa ansixiyey madaxweynaha.
Wasiirka ma aysan sheegin haddii ciidamadan lagu daadin doono waddooyinka.
Dowladda ayaa waxaa saaran cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo inay kordhiso
ciidamada waddooyinka si loo qaboojiyo rabshadaha oo dhulka lasii galaya
dhaqaalaha dalkaas oo markii horeba xumaa.

