Somali News

Tiradda Dadka ku dhintay Rabshadaha Sudan oo korortay

Muqdisho-KNN-Tiradda Dadka mudaharaadaya ee ku dhintay Rabshadaha Sudan ayaa gaartay 60 qof, sida ay sheegeen kooxda dhaqatiirta ee mucaaradka ah, xilli ay ciidanka militariga dadka u adeegsanayaan awood si ay u kala eryaan.

Kororka tiradda geerida ayaa  imaaneeysa labo maalin ka dib martkii degenaansho la’aan ay ka bilaabatay ciidanka militariga oo rasaas ku furay dibadbaxayaal aan hubeeysneyn.

Xubno ka tirsan ciidanka sida militariga u tababaran ayaa lasoo wariyay in ay dhex marayaan wadooyinka magaaladda Khartuum islamarkaan ay kala eryayaan dadka shacab ah.

Ciidanku waxaa uu wajahay cambaareyn caalami ah oo ku adan talaabadooda ay dadka badan ku dhinteen.

Sikastaba UK iyo Germany ayaa isku dayaya in QM ay ku cadaadiso militarigu in uu raadiyo xal u turaya Shacabka