Somali News

Tiradda Dadkii ku dhintay Musiibadii Indonesia oo korortay

Muqdisho-KNN-Tiradda Dadka la ogyahay in ay ku dhinteen Dhulgariir Sunaamidda watay ee Jimcihii ku dhuftay Indonesia ayaa gaartay 1,200 oo Ruux, sida ay sheegtay Hey’adda Maareeynta musiibooyinka.

Tiradda geeridu waxaa ay heerkan gaartay maanta oo arbaco ah, hase ahaatee waxaa horay loo xaqiijiyay 844 ruux.

Dhulgariirka Garaacay bartamaha Jasiiradda Sulawesi ayaa cabirkiisu wuxuu ahaa 7.5, waxaana xigay Sunaami Hirarkeedu sare ukaceen Lix mitir, waxaana khasare baahsan uu garay Magaaladda Palu.

Gargaarka Bani aadanimadda ayaa socda waxaana Shaqadda gurmadka safka hore uga jira Ciidanka Booliiska iyo military-ga.

Waxaa laga baqayaa in wali ay Dad badbaaday dhismooyinka Dumay hoostiisa ku go’adoonsanyihiin.

Hey’adda laanqayrta cas ee in dunusia ayaa BBC-da waxay u sheegtay in meeydadka 34 arday laga helay burburka Kaniisad duntay, waxayna qayb ka ahaayeen koox 86 arday ah oo lala’aa. Hadda waxaa maqan 52 ruux oo ardaydii ka mid ah, walina waxaa laga baarayaa dhismooyinka hoostooda.