Somali News

Tirinta codadka Doorashada Puntland oo socda

Garoowe-KNN-Tirinta codadka ay dhiibteen Baarlamaanka Maamulka ayaa hada bilaabatay, iyadoona labo Musharax ay soo dirsadeen wakiilada kala  ma talaya In ay la socdaan habka loo codeeyay.

Gudigga doorashada madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa daqiiqado kadib waxaa ay ku dhawaaqi doonaan musharaxa guuleysta iyo in doorashada ay sii socon doonto.

Doorashada ayaa waxaa ay tahay mid aad u xasaasui ah Maanta, iyadoona dad badan ay indhaha ku hayaan doorashada ka soconaysa Magaalada Garoowe.