Uncategorized

Tiro yar oo u soo baxday codaynta doorashadii Kenya

Madaxa guddiga doorashada ee Kenya ayaa sheegay in 33% dadka u diiwaan gashan inay codkooda dhiibtaan oo kaliya ay u soo baxeen inay codeeyaan isku celiska ahayd ee doorashadii shalay dhacday.

Tani ayaa ah hoos u dhac weyn, oo 80% in ku dhow ka yar tirada dadkii u soo baxay doorashadii dhacday Agoosto.

Waxay daba socotaa baaqii hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ee ahaa in la qaaddaco doorashada.

4 goobood ayaa dib loo dhigay doorashadii ka dhici lahayd, kuwaasoo ay rabshado ka dheceen.

Laba qof ayaa iyagana la sheegay in ay ku dhinteen rabshado ka dhacay dalka.

Tirinta codadka ayaa iminka socota, lamana filayo in natiijada kama dambaysta ah lagu dhawaaqo wixii ka horreeya 29ka Oktoobar.

Qaadacaad

Wiil dhalinyaro ah ayaa waxaa toogtay booliiska, isagoo goor dambe dhintay, kaddib markii ay isku dhacyo ka dhaceen magaalada uu mucaaradku ku xooggan yahay ee Kisumu, oo ah mid ka mid ah deegaannada afarta ah ee qalalaasuhu uu saameeyay.

Madxaweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii August, balse mar kale ayaa doorashada lagu celiyay sababo la xiriira inaysan si sax ah u dhicin.

Madxaweyne Kenyatta ayaa doonaya in mar labaad la doorto. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa ka laabtay musharraxnimadiisii madaxtinnimada.

Gudoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa horay u sii sheegay in xorumaha coddayntu ay furmi doonaan 6:00 subaxnimo, ka dib markii ay xukuumadu damaanad qaad siisay.

Tobannaan kun oo booliis ah iyo xubnaha kale ee laamaha ammaanka ayaa loo daad gureeyay goobaha cod bixinta si ay u sugaan ammaanka goobaha laga codaynayo iyo xarrumaha codka laga dhiibanayo.