Uncategorized

Tiyaatarka Qaranka oo dib loo howlgalinayo

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta xarunta Golaha murtida iyo wacyigelinta ee Tiyaartarka Qaranka booqasho ku ymid masuuliyiin ka tirsan Wsaaradda Warfaatinta Soomaaliya.

Kusimaha Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya cabdi Raxmaan Iidaan yoonis, aya sheegay in goalah murtida iyo wacyigalinta ay dib u howl galeeyso kadib sanaddo badan oo aysan shaqayn.

Dhankakale maareeyaha Tiyatarka, Abwaan Cusmaan Cabdullahi Guure ayaa sheegay in faanaaniinta Hoboladda Waabari ay shaqadooda dib uga bilaabi doonaan Golaha murtida iyo wacyi galinta.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in  Tiyaatarka lagu sameynayo dib u dayactir oo hadda Xafiisyada qaar la howlgeliyay.

Xarunta Golaha Murtida aya mudo badan bur bursanayd waxana haatan muuqanaya in dib u dhis uu ku socdo taasi oo la shegay inuu amray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo